Horudhaca Man City Vs Leicester City : Kooxda Pep Rikoor Ayay Ku Leeyihiin Kooxda Dawacada

0
51

 

Man City ayaa marti gilineysaa kooxda L. City waxa ayna kulankaas galayaan iyadoo weeraryahankooda Jusus uu ka maqan yahay ka dib dhaawac ku gaaray kulankii Wolves ee isniintii.

Sidoo kale daafacooda Laporte weli diyaar buuxa uma ahan inkastoo dhawaan uu tababarka ku soo laabtay ka dib 14 cesho oo uu is go`doomiyay sababa la xariira xanuunka karoona.

Dhanka Leicester City , qadkooda dhexe Ndidi ayaa ka maqan kulankaas, waxa uuna ka sheeganayaa dhaawaca canqawga ah  waxa uuna maqnanaayaa 12 asbuuc halka Jonny Evans uu diyaar yahay kulankaas.

Xogta Kulanka

  • Man City ayaa badisay 6 kulan oo qeyb ka ah 7-di kullan ee  ugu dambeeyay horyaalka ee ay la ciyaareen Leicester City.
  • Leicester City afar kulan oo is xiga oo horyaalka  ahayay ku guul dareysteen  qalcadda Etihad
  • Man City lagama badin kulamadeeda ugu horeeya garoonkooda ee horyaalka muddo 25 xilli ciyaareed ah , waxaan ugu dambeeysay kulan ay Southampton xilli ciyaareedkii 1989/1990 ay wada ciyaareen.
  • Weeraryahanka L. City ee Vardy waxa uu City ku leeyahay 5 goolka dib 8 kulan oo hore oo uu ka hor tagay City iyadoo horyaalka la joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here