Man City Oo Wadahadalo Rasmi Ah La Furtay Benfica & Xiddiga Ay Ka Doonayso Oo La Ogaaday.

0
63

 

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadal la furtay Benfica iyaga oo ka doonaya daafaca lagu qiimeeyo 50-ka milyan ee Ruben Dias.

Citizens ayaa umuuqata inay ka go’an tahay inay lasoo saxiixato daafac kale oo dhexe ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan waxaana si xoogan loola xiriirinayaa laacibka Napoli Kalidou Koulibaly.

Kooxda Pep Guardiola ayaa isaga hadhay baacsiga daafaca reer Senegal kadib markii ay Napoli diiday in ay hoos u dhigto qiimaha laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay kooxda Premier League haatan wadahadalo la furtay Kooxda Benfica oo ay ka doonayaan saxiixa Ruben Dias.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda reer Portugal horay u doonaysay in ay xiddiga 23 jirka ku iibiso 87 milyan oo euro laakiin haatan waxa ay diyaar u yihiin in ay ku iibiyaan 50 milyan oo euro sabab la xidhiidha saamaynta dhaqaale ee xanuunka Korona.

City ayaa la sheegay inay isku dayi karto inay qeyb ka dhigto heshiiska Nicolas Otamendi, in kastoo Benfica la sheegayo inay doorbideyso lacag Kaash ah.

Daafaca Ruben Dias ayaa kooxda Benfica kula jira heshiis ilaa xagaaga 2024 waxana uu iska diiday heshiis cusub oo ay kooxdu u soo bandhigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here