Man City Oo Ku Dhaw In Ay Heshiis Wakhti Fog Ah Ka Saxiixato Xiddig Kooxdeeda Ah.

0
56

Kooxda Man City ayaa horumar ka samaynaysa wadahadalada ay heshiiska cusub ee 5-ta sano ah kaga saxiixanayso xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne taas oo kor u qaadaysa suurtagalnimada in uu xiddigu xirfadiisa ku dhamaysto kooxda.

Wargayska Sportsmail ayaa rumaysan in xiddiga khadka dhexe uu doonayo in uu heshiis 2 sano ah saxiixo si uu ugu sii daro heshiiskiisa dhici doona 2023.

De Bruyne ayaa la filayaa in uu qalinka ku duugo heshiis uu mushahar ahaan ugu qaadanayo todobaadkii wax ka badna 300 kun oo Gini todobaadkii.

Man City ayaa markii hore qorshaynaysay in ay wadahalada la furto xiddiga dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa dib loogu dhigay bilowga xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha xaalada adag ee lagu jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here