Man City Oo Indhaha Looga Soo Dhuftay Dalab Aad U Sareeya Oo Ay Ku Doonaysay Daafaca U Ciyaara Atletico Madrid.

0
35

Waxa iska cad in ay Man City dareenkeeda u jeedisay saxiixa daafaca kooxda Atletico Madrid ee Jose Maria Gimenez kaas oo ay u doonayso badalka Koulibaly kaas oo ay ku fashilantay in ay Napoli kala heshiiso saxiixa daafaca.

Kooxda Pep Guardiola ayaa doonaysa daafac dhexe inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si ay ugu xoojiso daafaceeda xilli ciyaareedka cusub.

Sidaas darteed Man City ayaa dalab 70 milyan oo euro ah ka gudbisay saxiixa daafaca kooxda Atletico Madrid ee ose Maria Gimenez.

Laakiin Atletico Madrid ayaa iska markiiba ka diiday dalabkaas iyaga oo City u sheegay in uuna xiddiga reer Uruguay iib ahayn xagaagan.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay City miiska u saartay Atletico Madrid dalab lacageed oo dhan 70 milyan oo euro laakiin Atletico ayaa diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here