Man City Oo Dalab Heer sareeyo Ka Gudbusay Daafac U Ciyaara Atletico Madrid.

0
30

 

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab cusub ka gudbisay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee Jose Gimenez sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Man City ayaa ka niyad jabsan wadahadalada ay horumar ka samayn laadahay baacsiga ay ugu jirto daafaca dhexe ee Kalidou Koulibaly ee kooxda Napoli wargayska AS ayaa sheegaya in ay Man City dareenkeeda u jeedinayso Jose Gimenez.

City ayaa la sheegayaa in ay dalab cusub oo dhan 94 milyan oo euro ka gudbisay daafaca Jose Gimenez iyo waliba lacago guno ah.

Si kasta ha ahaatee Atletico Madrid ayaa ilaa haatan diidan in ay miiska wadahadalada la fadhiisato Man City iyaga oo doonaya dalab lacageed oo dhan 120 milyan oo euro.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid ogolaan doonto dalabka 94-ka milyan ah hadii ay City ku adkaysato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here