Man City Oo Barcelona U Soo Bandhigtay Xiddig Kooxdeeda Jooga.

0
63

 

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixato xiddiga boosaska badan ka ciyaari kara ee Man City u ciyaara ee Oleksandr Zinchenko.

Xiddiga reer Ukraine ayaa cadeeyay inuu door muhiim ah u yahay Pep Guardiola, isagoo wadar ahaan u saftay 68 kulan City seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay.

Laakiin marka loo eego in uu daafaca Nathan Ake ka ciyaari karo daafaca dhexe iyo waliba daafaca bidix xiddiga 23 jirka ah ayaa ka baxay qorshaha Pep Guardiola.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain, City ayaa la xiriirtay Barcelona si ay wax uga weydiiso haddii ay xiiseynayaan ciyaaryahanka.

Inkastoo kooxda reer Catalonia aysan diidin saxiixa xiddiga hadana dalab kasta oo ay ka gudbin karaan ayaa ku xidhan in ay iska iibiyaan  dookha labaad ee Junior Firpo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here