Macluumaadkii, Email-ladii & Xisaabaadkii Kooxda Real Madrid oo la jabsaday… (Sidee wax u dheceen?)

0
49

Sida wararku ay tilmaamayaan kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la jabsaday macaluumaadkeedii, Email-ladeedii iyo xisaabaadkeedii muhiimka ahaa, waxaana ay Los Blancos dhibbane u noqotay burcadda dhinaca Internet-ka wax ku dhaca.

Falkan ayaa la soo warinayaa in loo qabtay labo qof, kuwaasoo la fahamsan yahay inay yihiin kuwa jabsaday macluumaadka kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid.

Rui Pinto oo u dhashay Waddanka Portugal ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo lagu eedeeyey inuu yahay shaqsiga jabsaday xisaabaadka iyo macaluumaadka kooxda Real Madrid.

Waxa uu ninkan lagu magacaabo Pinto ku sugnaa markii gacanta lagu dhigayey Magaalada Budapest ee waddanka Hungry, waxaana la xiray iyadoo lagu eedeynayo inuu ka mid yahay burcadda falkan ku kacay.

Ilaa iyo hadda lama sheegin in kooxda Real Madrid laga dhacay lacago iyo macluumaadkeeda qeybo ka mid ah.

Wargeyska ka soo baxa Waddanka Portugal ee la yiraahdo Correio da Manda ayaa daabacay in ninkaan la qabtay ee Pinto uu bartilmaameedkiisa ugu weyn ka dhigtay kooxda Real Madrid oo uu u dhacay xisaabaadkeeda.

Warbixinta waxa uu intaa raaciyey Wargeyska in ninkaan uu adeegsan jiray Supercomputer si uu ula socon karo macluumaadka Kooxda Real Madrid.

Ninkaan ayaa lagu qabtay 12 Disc oo gacanta ugu jiray markii la xirayey, iyadoo mid ka mid ahna ay ka buuxeen xogta uu kala baxay xisaabaadka kooxda Real Madrid.

Pinto oo haatan ku jira gacanta ciidamada Booliska Waddanka Hungry, kuwaasoo baaritaan ku wada ayaa iska fogeeyey oo beeniyey inuu ku lug leeyahay falalkan lagu soo eedeeyey ee burcadnimada Internet-ka.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in ninkan u dhashay Waddanka Portugal ee Pinto uu horay u soo jabsaday macaluumaadka iyo xisaabaadka Kooxda Sporting CP iyo Wakiillada ciyaaraha ee Doyen Sports.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here