Lyon Oo Xaqiijisay In Ay Arsenal Ka Diiday Dalab Ay Ka Gudbisay Houssem Aouar & Sababta Oo Ay Sharexeen

0
69

 

Madaxweynaha Lyon Jean-Michel Aulas ayaa xaqiijiyay in Arsenal ay dalab labaad oo laga xishoodo ka soo gudbisay xiddiga khadka dhexe ee ee Houssem Aouar kaasoo si dhaqso leh loo diiday.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in ayna wali kooxdiisu suuqa kala iibsiga ka bixin xilli wax todobaad ka yar ka hadhsantahay xidhitaanka suuqa.

Xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Houssem Aouar iyo xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Thomas Partey ayaa bartilmaameed u ah kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa la sheegayaa in ay dalab 30 milyan ah ka gudbisay saxiixa Houssem Aouar todobaadkii hore madaxweynaha Lyon ee Aulas yaa haatan xaqiijiyay in ay dalab wax yar ka badan Arsenal mar kale ka gudbisay saxiixa xiddiga Aulas .

“Waxa jira dalab laga xishoodo oo ay Arsenal ka soo gudbisay Houssem Aouar”ayuu Aulas u sheegay Telefoot.

“Ma dareemayno in ayna ka fiirsan xaqiiqada ah in uu Houssem Aouar yahay xiddig reer France ah”.

“Waxa uu ahaa dalab aanan xitaa ka fiirsan, kumana iibinayno dalabkaas”.

Markii Madaxweynaha laga waydiiyay in lacagta ay ku iibinayaan xiddiga u dhexayso 40 ilaa 50 milyan ayuu Aulas ku jawaabay”Hubaal waxa uu ka badan yahay lacagta hore ee aad sheegtay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here