Lyon Oo Soo Afjartay Rajadii Arsenal Ee Saxiixa Houssem Aouar, Maxaa Cusub?

0
141

 

Madaxweynaha Kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa soo afjaray rajadii kooxda Arsenal ee helitaanka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga khadka dhexe ee reer France ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan gaar ahaan todobaadyadii ugu dambeeyay.

Laakiin Madaxweynaha kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa meesha ka saaray in uu xiddiga Houssem Aouar ku biiri doono kooxda Arenal xagaagan sabab la xidhiidha in ayna Arsenal awood u lahayn bixinta dhaqaalaha lagu iibsanayo xiddiga.

Jean-Michel Aulas oo la hadlaya wargayska Mirror ayaa yidhi” Dhanka dhaqaalaha Arsenal waxa ay la mid tahay kooxaha kale, waxana ay ku jirtaa wakhti adag”.

“Xitaa Houssem Aouar Ayaa garanaya in ay u fiicantahay in uu iska sii joogo kooxda”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here