Lyon Oo Qaaday Talaabo Arsenal Rajo Ka Galisay Saxiixa Houssem Aouar

0
81

 

Kooxda Lyon aya ka fiirsanaysa in ay hoos u dhigto qiimaha ay ku iibinayso bartilmaameedka Arsenal Houssem Aouar, sida lagu sheegayaan wararku.

Madaxweynaha kooxda reer France Jean-Michel Aulas ayaa Sabtidii xaqiijiyay in Gunners ay dalab furitaan ah ka gudbisay Xiddiga khadka dhexe.

Si kasta ha ahaatee dalabka Arsenal ayaa si aad ah uga hooseysa qiimaha ay dooneyso Lyon in ay ku iibiso xiddiga kaas oo dhan 55 milyan oo euro.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in ay kooxda Lyon haatan hoos ugu dhigtay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga lacag dhan 40 milyan oo euro taas oo rajo siisay Arsenal saxiixa xiddiga.

Kooxda Mikel Arteta ayaa la rumaysanyahay in ay bartilmaameed muhiim ah ka dhigeen xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiyaan kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here