Lyon Oo Ogolaatay In Ay Arsenal Ka Iibiso Houssem Aouar Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay

0
41

Agaasimaha Kooxda Lyon ee Juninho ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga Houssem Aouar xilli si weyn loo hadal hayo mustaqbalkiisa kooxda.

Houssem Aouar ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan iyo in uu ka tagayo kooxda Lyon inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga Houssem Aouar ayaa bartilmaameed u ah kooxaha Man City, Arsenal, Juventus iyo PSG kuwaas oo dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Arsenal ayaa ilaa haatan xiddiga ka gudbisay dalab lacag iyo xiddig ah iyaga oo miiska u saaray xiddiga khadka dhexe ee Matteo Guendouzi.

Laakiin Juninho ayaa Arsenal u sheegay halka wado ee ay ku heli karaan saxiixa Houssem Aouar hadii ay doonayaan saxiixiisa xagaagan.

Juninho ayaa Arsenal u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Arsenal ka iibiyaan xiddiga Houssem Aouar hadii ay miiska saaraan xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang.

Isaga oo la hadlaya wargayska lefigaro ayuu Juninho yidhi”Hadii Ay Arsenal Heshiiska ku darto Pierre-Emerick Aubameyang si ay u helaan Houssem Aouar waan wada hadli doonaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here