Lyon Oo Arsenal ka Caawineyso Wadii ayey U mari lahed Houssem Aouar

0
35

 

Kooxda Lyon ayaa Arsenal u sheegtay in ay heli karaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Houssem Aouar laakiin kaliya doonayaan lacag kaash ah.

Lyon ayaa Arsenal ka diiday dalab isugu jira lacag iyo waliba xiddiga khadka dhexe ee Matteo Guendouzi iyada oo uu dalabkaas xaqiijiyay agaasimaha kooxda ee Juninho.

Si kasta ha ahaatee Lyon ayaa diyaar u ah in ay iibiso xiddiga laakiin Arsenal u sheegtay in ay Aouar ku heli karaan lacag dhan 60 milyan oo euro.

Arsenal ayaa diyaar u ah in ay bixiso lacagtaas laakiin Lyon waydiisatay wakhti ay ku uruuriso lacagtaas.

Arsenal ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddigaha Lucas Torreira, Shkodran Mustafi Iyo Goolhaye Emi Martinez oo ku dhaw in uu ku biiro Aston Villa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here