Luis Suarez Oo Garoonka Tababarka Barcelona Ka Tagay Isaga Oo Ooyaya, Sabab

0
84

 

Xiddiga kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa si Rasmi ah u macasalaameeyay xiddigaha Barcelona isaga oo haatan ka tagay garoonka tababarka Barcelona.

Suarez ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Atletico Madrid kadib markii uu kansalay heshiiskii uu kula jiray kooxda Barcelona.

7 Sano kadib Suarez ayaa isaga tagaya kooxda Barcelona kadib markii uu Ronald Koeman u sheegay in uun ka mid ahayn qorshihiisa xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Luis Suarez ayaa kooxda Barcelona u ciyaaray 283 kulan waxana uu dhaliyay 198 gool isaga oo kula guulaystay koobab aad u badan.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa haatan u duuli doona caasimada Madrid isaga oo saacadaha soo socda noqon doona xiddig cusub oo Atletico Madrid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here