Lucas Torreira Oo Fariin U Diray Thomas Partey Kadib Markii Uu Qaatay Booskiisii Arsenal.

0
99

 

Xiddigaha Lucas Torreira & Thomas Partey ayaa is dhaafsaday boosaska kooxaha Arsenal iyo Atletico Madrid maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga.

Partey ayaa ka tagay Atletico Madrid kuna biiray Arsenal kadib markii Gunners bixisay lacagta lagu bur-burinayay heshiiskiisa maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga.

Xiddiga khadka dhexe ee Torriera ayaa dhankiisa ku biiray kooxda Diego Simeone kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Mikel Arteta.

Torreira ayaa haatan fariin u diray isaga oo nasiib wacan u rajeeyay xiddiga Partey isaga oo u sheegay in ay kooxdu si fiican ula dhaqmi doonto.

“Waxa aan u rajaynayaa Nasiib wacan”ayuu Torriera u sheegay isaga oo ku wajahan waajibaadka xulka qarankiisa”.

“Waxa uu Arsenal kula kulmi doonaa koox si fiican ula dhaqanta arintaas ayaana ah waxa ugu muhiimsan”ayuu u sheegay Mundo Deportivo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here