Liverpool Oo Xiddig Kooxdeeda Jooga U Adeegsanaysa Saxiixa Kalidou Koulibaly

0
78

 

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay Sadio Mane u adeegsanayso in uu xiddiga daafaca uga ciyaara Napoli ee Kalidou Koulibaly ku qanciyo in uu ku biiro Anfield.

Kalidou Koulibaly ayaa lala xidiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Napoli xilli Man City hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga reer Senegal.

Laakiin wargayska Le Parisien ayaa sheegaya in ay kooxda Jurgen Klopp ku rajo weyn yihiin in ay xagaagan heli karaan saxiixa si ay uga garab ciyaarsiiyaan Virgil Van Dijk.

Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool Mane u adeegsanayso si uu ugu qanciyo in uu ku soo biiro Anfield xagaagan.

Liverpool ayaa la sheegayaa in ay ka hor xidhitaanka suuqa xagaaga doonayso in ay dhamaystirto saxiixa daafac cusub kadib dhaawacii Jeol Matip iyo bixitaankii Dejan Lovren.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here