Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Jordan Henderson Ka Hor Bilaabashada Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
34

Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Hendorson ayaa si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa Sabtida marti galin doonta Kooxda Leeds United kulankoodii ugu horeeyay ee horyaalka premier League iyaga oo bilaabanaya difaacashada horyaalka.

Jordan Henderson ayaa gabi ahaan seegay kulamadii iyo tababarkii isku diyaarinta ee kooxda Liverpool kadib dhaawac soo gaadhay kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Liverpool ayaa war fiican ka heshay xaalada kabtankeeda isaga oo si buuxda ugu soo laabtay tababarkii ka horeeyay kulanka Leeds United.

Warkan ayaa ah mid u fiican Liverpool marka loo eego in uu kabtankoodu ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa kooxda xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here