Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Thiago Alcantara

0
44

 

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa u muuqda mid xaqiijiyay in uu ka soo kabsaday xanuunka Korona .

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in laga helay xanuunka Korona xiddiga reer Spain isaga oo ku seegay kulamadii ay kooxdiisu la ciyaartay Arsenal oo 2 jeer ah iyo Aston Villa.

Xiddiga Thiago ayaa bogiisa Twitter-ka soo dhigay 2 sawiro oo uu dhex socdo magaalada Liverpool isaga oo ku soo qoray “Socodka Liverpool”.

Sawirkan ayaa cadayn u ah in uu xiddiga 29 jirka ah ka soo kabsaday xanuunka Korona sidoo kale dhamaystay wakhtigii Karantiilka ee 10-ka maalin ahayd.

Thiag ayaa haatan la filayaa in uu taam u noqdo kulanka ay Liverpool Sabtida dambe la ciyaari doonto kooxda Everton kulanka tirsan premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here