Liverpool Oo Rikoodh Dhigi Karta Kulanka Chelsea, Muxuu Yahay, Maxayse U Baahantahay?

0
50

 

Liverpool ayaa isha ku haya in ay guul gaadho labadooda kulan ee ugu horeeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah markii ugu horaysay taariikhdeeda marka ay galabta ka hor tagayaan kooxda chelsea.

Reds ayaa guul ku bilaabatay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay 4/3 uga badiyeen kooxda Leeds United ee u soo dalacday horyaalka.

Hadii ay kooxda Jurgen Klopp gaadhaan guul kulanka ay galabta Stamford Bridge kula ciyaari doonaan Liverpool waxa ay qaadan doonaan 6 dhibcood premier League xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah taariikhdooda.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii 2019/2020 labadii kulan ee ugu horaysay ka badisay kooxaha Norwich City iyo Southampton.

Xilli ciyaareedkii 2018/2019 Reds ayaa guul gaadhay labadii kulan ee ugu horeeyay iyaga oo garaacay kooxaha West Ham iyo Crystal Palace.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here