Liverpool Oo Loo Sheegay Sababta Ay Tahay In Ay Ula Soo Saxiixato Thiago Alcantara.

0
36

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Graeme Souness ayaa Liverpool u sheegay in ay meel iska dhigto niyad jabka suuqa kala iibsiga lana soo saxiixdaan xiddiga Bayern Munich ee Thiago Alcantara.

Reds ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga khadka dhexe muddo bilo ah laakiin ilaa haatan Liverpool ayaa diidan in ay bixiso lacagta 27 milayn ee ay Bayern Munich dalbanayso.

Tababaraha Bayern Munich ee Hansi Flick ayaa xaqiijiyay in uu Thiago isaga tagi doono kooxda ku ciyaarta garoonka Allianz xagaagan.

Kooxda Liverpool ayaa kaliya ilaa haatan samaysay hal saxiix kaas oo ah xiddiga daafaca Bidix ee Kostas Tsimikas.

Souness ayaana aaminsan in uu xagaagan yahay mid ay kooxdiisii ku dhibaatoonayso taas oo wal-wal ku ah hadii ayna kooxdu xoojin boosaska kala duwan si ay u difaacato horyaalka premier League.

“Wakhtiga ugu fiican ee xiddigaha lala soo saxiixdo ayaa ah marka aan la doonayn in ay si deg-deg ah qaab fiican ugus oo bandhigaana”ayuu u sheegay The Times.

“Run ahaantii waan ka niyad jabsanahay suuqa Liverpool xilli ay isku diyaarinayaan in ay difaacdaan champions League”.

“Thiago Alcantara waxa uu noqon doonaa saxiix u fiican Liverpool sababta oo ah waxa uu xiddigaha ka soo hor jeeda u dhaafaa si fudud waxana uu kubada u dhiibaa si fiican”.

“Thiago waa 29 walina waxa ka horeeya sanado fiican ugu yaraan 3 sano oo uu heerka ugu sareeya u ciyaaro sidaas darteed waan in ay si deg-deg ah u dhamaystirto saxiixa xiddiga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here