Liverpool Oo Go’aan Ka Gaadhay Qorshaha Kale Ee Suuqa Xagaagan

0
101

 

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqooda xagaaga ku soo xidhatay saxiixyadii Thiago Alcantara & Diogo Jota ee ay kala soo wareegeen kooxaha Bayern Munich iyo Wolves.

Reds ayaa xagaagan la soo saxiixatay 3 xiddig kuwaas oo kala ah Thiago Alcantara, Diogo Jota Iyo Kostas Tsimikas kuwaas oo ay ku xoojiysay kooxda.

Waxa jiray warar sheegayay in ay Liverpool ku dhawdahay saxiixa xiddiga Watford ee Ismaila Sarr laakiin wargayska Liverpool Echo ayaa beeniyay wararkaas.

Wargayska oo ku dhaw kooxda Liverpool ayaa xaqiijiyay in ay Liverpool sidaas ku soo xidhatay suuqa kala iibsiga iyaga oo aan samayn doonin wax saxiixyo cusub oo kale xagaagan.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa haatan kaliya xiddigo iska iibin doonta laakiin aan wax saxiixyo cusub oo kale samayn doonin inta ka dhiman suuqa xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here