Liverpool Oo Garaacday Chelsea Xilli Saxiixyada Cusub Ee Labada Koox Ay Joogeen

0
42

Liverpool ayaa guul muhiim ah ka gaartay Chelsea kuwaasi oo qeybta labaad ee ciyaarta ku dhameystay 10 ciyaaryahan ah , waxaana looga talaabsaday laba gool oo nadiif ah xilli saxiixyada cusub ee labadaas koox ay ciyaareen kulankaan, waxaana jirtay rigoore ay iska qasaariyeen Chelsea.

Sheekada Labada qeyb : Chelsea iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah , waxa  ayna soo bandhigeen ciyaar  heerkeedu  uu iska dhex dhexaad ahaa ayna jirtay taxadar inkastoo Liverpool aheyd dhankii  maamulka kubadda ku badnaa .

Chelsea waxa ay qeybtaas hore ka sheeganeysay in kubadda ay soo gaarsiiyaan afka hore ee goosha Liverpool halka kooxda Klopp-na iyana ay ka sheeganayeen in kubad hayashashooda u turjumaan goolal , waxa ayna ku wacnaayeen isku balaarinta garoonka marka Chelsea kubadda haystaan .

Chelsea waxa ay ku tiirsanayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna gaadmo ugu jireen qalad ka dhaca daafaca kooxdaas Liverpool oo mararka qaar dal daloolo muujinayay maadaama afka hore soo wada aadayeen xilli kubaddii ugu horeesay Chelsea ku laadeen goosha Liveprool aheyd daqiiqaddi 31-aad waxaana sidaas sameeyay saxiixa cusub Chelsea ee Warner

Liverpool dhankooda daqiiqadii 32-aad ayay ugu dhawadeen gool balse ma dhicin,  waxa ayna dhamaadkii uu Mane ku dhawaaday fursad gool oo xaqiiq ah balse waxaa diiday Christensen oo qalad ku galay laacibkaas waxaana loo taagay kaarka cas ka dib markii garsooraha oo markii hore uu bixiyay kaarka digniinta balse VAR ayuu ku laabtay taasi oo keentay in ugu dambeyn la siiyo kaarka cas , waxaana lagu nasntay bar bar dhacaas bilaa goolasha ah .

Soo laabashadii ,labada koox badallo ayay horay u soo sameeyeen iyaga oo soo giliyay Alcantara oo loo saaray Henderson halka dhanka Chelsea soo giliyeen  Tomori oo loo badalay Havertz,  waxa ayan Liverpool ciyaarta ku bilaabeen cadaadis illaa ay keeneen gool uudhaliyay Mane  daqiiqadii 50-aad.

Chelsea durba waa laga dareemay in laga tira badan yahay kubadda waa looga sareeyay waxa uuan Mane mar kale ku keenay gool labaad daqiiqadii 54-aad.

Sidaas oo ay tahay Chelsea waxa ay isku dayayeen in kubadda horay u soo dhaqaajiyaan balse Liverool waxaa ka go`neyd goolal dheeraad ah waa ayan u dhawaanayeen waa ayna ku badnaanyeen maamulka kubadda xilli Chelsea uu bad baadinayay goolahaya.

Liverpool , waxa ay daqiiqadii 64-aad soo giliyeen Milner oo loo saaray Keite iyaga ayaa kubadda  haystay xilli Chelsea mararka qaar isku dayayeen in goosha Liverpool gaaraan illaa ay heleen rigoore balse waxaa ka qasaariyay Jorginho daqiiqadii 75-aad.

Chelsea waxa ay muujinayen dadaal  si ugu yaraan gool u helaan waxaana isku dayo samenayay Tomori inkastoo kubadda ay meereysaneysay aagga goosha Chelsea waa ayna u nuglaayeen in gool sedexaad lagu helo , waxa ayan Chelsea d daqiiqadi 79-aad soo giliyeen Barkley iyo Abraham  oo loo saaray Kovacic iyo  Jorginho halka Liverpool dhankooda  daqiiqadii 86-aad soo giliyeen Minamino loo badalay  Firminho.

Si waliba oo ay ahaato , wax aay ciyaarta ku dhamaatay labadaas gool ee ay guusha ku raacday Liverpool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here