Liverpool Oo Doonaysa In Ay Iska Iibiso 7 Xiddig & Lacagta Ka Soo Gali Karta Oo La Ogaaday.

0
10

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso 7 xiddig inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si ay u fududayso kooxdeeda.

Ka hor inta ayna Liverpool suuqa galin waxa ay doonaysaa in ay iska iibiso xiddigo kooxda ah kuwaas oo aan ka mid ahayn qorshaha tababare Jurgn Klopp.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in ay Reds isku diyaarinayso in ay iska iibiso 7 xiddig oo kooxda haatan jooga kuwaas oo ay doonayso in ay lacag fiican ka samayso.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Liverpool rajaynayso in ay 70 milyan oo euro ka samayso xiddigaha ay doonayso in ay iska iibiso xagaagan.

Xiddigaha ay Reds doonayso in ay iska iibiso ayaa kala ah Marko Grujic, Harry Wilson, Taiwo Awoniyi, Loris Karius, Yasser Larouci, Nat Phillips & Ben Woodburn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here