Liverpool Oo Dagsatay Qorshe Ay Ku Helayso Saxiixa Thiago Alcantara & Wakhtiga Ay Dhamaystiri Doonto Saxiixiisa Oo La Ogaaday.

0
38

Wararka ka imanaya England ayaa sheegaya in ay Liverpool dib u dhigtay la soo saxiixashada xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara sida ay sheegayaan wararku.

Liverpool ayaa si Rasmi ah u go’aansatay in ay dib u dhigto la soo saxiixashada xiddiga khadka dhexe ilaa xagaaga dambe markaas oo ay si xor ah ku heli doonto.

Xiddiga reer Spain ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Liverpool xagaagan laakiin Liverpool ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa in ay qiimaha kala heshiiso kooxda Bayern munich.

Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa lacag dhan 27 milyan oo euro xiddiga 29 jirka ah si ay u iibiso xagaagan halkii ay si xor ah ku waayi lahayn xagaaga dambe.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegaya in ay Liverpool haatan gabi ahaan isaga hadhay baacsigii ay ugu jirtay Thiago inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in ay Liverpool heshiis hordhac ah la saxiixan doonto xiddiga suuqa January iyaga oo si xor ah ku dhamaystiri doona heshiiskiisa xagaaga dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here