Liverpool Oo Aad Ugu Sii dhawaneyso In Ay Laso-wareegto Weeraryahan kale kadib Saxiixa Diogo Jota

0
60

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa qarka u saaran saxeexa weeraryahankii labaad hal usbuuc gudihii kaddib markii ay toddobaadkan horraantiisii lasoo saxeexatay gool-dhaliyaha reer Portugal ee Diogo Jota oo ay kala soo wareegtay Wolves.

Liverpool oo aamusnaan kaga jirtay suuqa iibka ciyaartoyda bilihii hore ayaa dardar lasoo gashay Jimcihii iyo Sabtidii oo ay ku dhawaaqday heshiisyada Thiago Alcantara iyo Digo Jota, waxaanay maalmo gudahood ku dhow yihiin inay dhamaystiraan heshiiska weeraryahan kale oo halis ah oo ay kooxo badan indhaha ku hayeen.

Tababare  Jurgen Klopp oo ka shaqaynaya sidii ay kooxdiisu u difaacan lahayd horyaalka ay xili ciyaareedkii hore ku guuleysteen kaddib soddon sannadood oo ay ka qatanaayeen, ayaa waxa la sheegay in kooxdiisu ay hadda heshiis dhinaca lacagta ah la gaadhay naadiga dhowaanta heerka koowaad ka dhacay ee Watford oo ay ka doonayso weeraryahanka da’da yar ee reer Senegal ee Ismaila Sarr.

Sida uu qoray wargeyska caanka ah ee France Football ee bixiya abaal-marinta Ballon d’Or, kooxda Liverpool waxay heshiis la gaadhay Watford oo ay isla  qaateen in £36 milyan oo Gini ay ka bixiso Ismaila Sarr, isla markaana uu u dhaqaaqo Anfield inta aanu xidhmin suuqa xagaagan ee ay labada toddobaad ka hadhsan yihiin.

Ismaila Sarr oo tartan xooggan la geli doona laacibiinta afka hore ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino oo midkooda uu fursad u helo uu leeyahay awooddii uu ku garbin lahaa, ayaa waxay Jurgen Klopp siinaysaa kala doorasho wanaagsan iyo haddii uu midkood dhaawacmo laacibiintiisa ragliga ah oo uu isticmaali karayo Jota iyo Sarr.

Salah, Mane iyo Firmino ayaa xili ciyaareedkii hore dhaliyey 57 gool isku-darkooda, laakiin Ismaila Sarr ayaa waxa uu ahaa laacibkii Liverpool ka jabiyey rikoodhkii guul-darro la’aanta ee ay xili ciyaareedkii hore ku naaloonayeen, waxaanu ka dhaliyey laba gool.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in Liverpool ay sidoo kale ciyaartoyda la heshiisay oo ay isla qaateen in sannadkii uu mushahar ahaan u qaato £6.4 milyan oo Gini oo uu ka qaadan doono Anfield.

22 jirkan ayay Liverpool heshiiskiisa kaga adkaanaysaa Manchester United oo kula tartamaysay, toddobaadkii horena ay ka hor qaadday Jota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here