Liverpool Mise Arsenal? Dimitar Berbatov Oo Saadaaliyay Kooxda Badan Doonto Kulanka Isniinta & Sababta Oo Uu Sharaxay.

0
55

 

Weeraryahankii hore ee kooxda Man United Dimitar Berbatov ayaa saadaalintiisa ka dhiibtay kulanka adag ee Anfield Ku dhexmari doona kooxaha Liverpool & Arsenal maalinta Isniinta.

Labada kooxood oo badiyay labadii kulan ee ay ciyaareen ayaa isaga hor iman doona kulanka 3-aad ee premier League xilli ciyaareedkan.

Dimitar Berbatov oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waan sugi laayahay kulanka, waxa uu shaki la’aan noqon doonaa kulan fiican”.

“Waan arki doonaa waxa ay Arsenal soo bandhigto, Liverpool waxa ay u ciyaartay si fiican labadii kulan ee hore waxana ay la soo saxiixatay Thiago Alcantara taas oo niyd dhis weyn u ah kooxda”.

“Aniga ahaan waxa kulanka badin doonta Liverpool sabab la xidhiidha 3-da xiddig ee weerarka Salah, Mane iyo Frimino, ma jirto koox hor istaagi karta”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here