Liverpool & Man United Oo Ogaaday Kooxaha Ay La Ciyaari Doonaan wareega 3-aad Ee Carabao Cup.

0
53

 

Kooxaha Liverpool & Manchester United ayaa ka mid ahaa kooxihii ogaaday kooxaha ay la ciyaari doonaan Wareega 3-aad ee tartanka Carabao Cup Xilli ciyaareedkan.

Labada kooxood ayaa la ciyaari doona kooxo ayna wali horay u kulmin iyada oo Liverpool la ciyaari doonto kooxda ka dhisan League on ee Lincoln City halka ay Man United u safri doonto kooxda championship-k ka ciyaarta ee Luton Town.

Labada kulan ayaa la ciyaari doonaa todobaadka dambe iyada oo tartanku sii socon doono xilli ciyaareedkan.

Lincoln ayaa la kulmi doonta Liverpool kadib guul 5/0 ah oo ay ka gaadhay kooxda Bradford City kadib markii ay qaybtii hore dhalisay 4 gool.

Luton ayaa dhankeeda wajihi doonta Man United kadib markii ay 1/0 kaga badiyeen kooxda Reading kulan ka dhacay garoonka Madejski Stadium.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here