Liverpool? Chelsea? Man Utd? Jamie Carragher Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub.

0
15

Jamie Carragher ayaa meesha ka saaray fursadaha Chelsea Iyo Man United Ee Ku Guulaysiga Horyaalka Isaga oo Sheegay In Kooxaha Liverpool Iyo Man City ku guulaysan karaan Premier League xilli ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay horyaalka prmeier League markii ugu horaysay 30 sano iyaga oo 18 dhibcood ka horeeyay kooxda Man City.

Man United oo qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka si fiican u ciyaartay ayaa dhankeeda ku dhamaystay kaalinta 3-aad iyaga oo ka kor maray kooxda Frank Lampard oo kaalinta 4-aad ku guulaystay.

Marka loo eego lacagta ay United iyo Chelsea oo haatanba Lacag ka badan suuqa galisay xagaaga waxa ay dad badan aaminsanyihiin in ay United iyo Chelsea u tartami doonaan horyaalka xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin Carragher ayaa sheegay in ay Liverpool iyo Man City aad uga horeeyaan kooxaha kale xilli ciyaareedkana midkood ku guulaysan doono horyaalka.

“Anigu waxa aan ahay taageere Liverpool ah waxana aan doonayaa in ay ay mar kale ku guulaystaan horyaalka laakiin uguma guulaysan karaan sidii xilli ciyaareedkii hore”ayuu Carragher u sheegay TEAMtalk.

“Waxa aan doonaynaa in aan aragno horyaal lagu tartamo, waxa aan doonayaa in ay kooxaha kale u soo dhawaadaan Liverpool sababta oo ah waxa aan u baahanahay horyaal lagu tartamo.

“Ma doonayo in aan aragno in ay koox 20 ama 30 dhibcood ka horayso kooxaha kale, inkasta oo aan doonayo in ay Liverpool ku guulaysato horyaalka waxa aan jecelahay in ay u dagaalamaan horyaalka waliba maalinta ugu dambaysa ku guulaystaan si uu xiiso u yeesho horyaalku”.

“Arintaas ayaan filayaa in ay xilli ciyaareedkan dhacdo, kooxaha kale oo dhan waxa ay isku dayayaan in ay qabtaan shaqo ka fiican midii xilli ciyaareedkii hore laakiin kaliya 2 kooxayaan arkaa in ay ku guulan karaan horyaalka waana labadii koox ee ugu sareeya sanadihii ugu dambeeyay”.

“Kooxda chelsea waxa ay suuqa u gashay si waali ah si ay ugu dhawaato Liverpool iyo Man City laakiin kaliya Liverpool iyo Man City ayaa ka horeeya kooxaha kale”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here