LIVE UPDATE:Saxiixyada La Dhamaystiray Maanta Oo Ah Maalintii Ugu Dambaysay Suuqa Kala Iibsiga Xagaaga

0
60

 

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si Rasmi ah u xidhmi doona maanta oo ku beegan 5 bisha Octobwe 2020 waxana ay kooxaha reer yurub ee kala duwan ku mashquulsanyihiin sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixyada ay doonayaan.

Kooxaha waaweyn ee reer yurub ayaa saacadihii la soo dhaafay ku mashquulsan samaynta saxiixyada ay u baahanyihiin iyada oo kooxaha waaweyn ee ka dhisan dalalka England, Spain, Italy, France iyo Germany dhamaantood ku jiraan suuqa.

Waxa jira saxiixyo waaweyn oo la samayn doono saacaha ka dhiman suuqa waxana aan si Toos ah idiinku soo gudbin doonaa saxiix kasta oo dhaca saacaha ka dhiman xidhitaanka suuqa kala iibsiga.

Hadaba halkan kaga bogo saxiixyada ilaa haatan dhacay mar walbana ku soo laabo Boggan si aad ula socoto saxiixyda dhacay:

RAMSI: Juventus Oo Xaqiijisay In Uu Daafaceeda Mattia De Sciglio Ku Biiray Kooxda Lyon.

ماتيا دي تشيليو

RASMI: Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday saxiixa Mark Roca oo Kaas oo ay kala soo wareegeen Kooxda Espanyol.

مارك روكا

RASMI: Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday in ay si Amaah ah kula soo wareegtay xiddiga Douglas Costa Kaas oo ay kala soo wareegtay Juventus.

دوجلاس كوستا

RASMI: Bayern Munich ayaa ku dhawaaqday saxiixa Erik Chubu Moting kaas oo ay kala soo wareegtay Kooxda Bayern Munich.

اريك شوبو موتينج

RASMI: Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis Amaah ah kula soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee Danilo Pereira kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fc Porto iyada oo si toos ah ula wareegi doonto xagaaga dambe.

دانيلو بيريرا

RASMI: Kooxda Inter Milan ayaa ku dhawaaqday saxiixa Matteo Darmian Kaas oo ay qaab amaah ah ugala soo wareegtay kooxda Parma.

ماتيو دارميان

RASMI: Kooxda Hoffenheim ayaa Qaab amaah ah Tottenham Ugala wareegtay xiddiga Ryan Sessegnon kaas oo ay hal xilli ciyaareed amaah ugu haysan doonto.

ريان سيسينيون

RASMI: Everton ayaa heshiis 5 sano ah kula soo wareegtay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Watford ee Ben Godfrey

بن جودفري لاعب ايفرتون الجديد

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here