Lionel Messi shabaqa so taabtay kulan ay Barcelona Ayay Garaaceen kooxda Girona .

0
88

 

Kooxda Barcelona ayaa guul ka gaadhay kooxda Girona kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee labada kooxoodKulanka ayaa ka dhacay garoon Tc Strahov xilli uu Lionel Messi wacdaro dhigay soona bandhigay sababtii ay Barcelona u diidanayd in uu ka tago kooxda.

Kulanka ayaa ahaa mid dhinac kaliya ah kaas oo ay Barcelona ku gacan saraysay inkasta oo ay Girona iska caabin yar samaysay qaybtii hore ee ciyaarta.

Daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta ayay Barcelona dhalisay goolka furitaanka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Philippe Coutinho kaas oo laftiisu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Ka hor intii ayna dhamaan qaybtii hore ee ciyaarta ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta kadib markii uu Lionel Messi shabaqa soo taabtay daqiiqadii 45-aad.

Laakiin Girona ayaa si deg-deg ah u keentay gool kadib markii ay isla daqiiqadii 46-aadba dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Samu Saiz.

Qaybtii dambe ayay Barcelona sii waday dadaalka iyo raadinta goolasha iyaga oo si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta.

Daqiiqadii 49-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aa ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay kabtankooda Lionel Messi kaaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guul kulankii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here