Lionel Messi Oo Weerar Ku Qaaday Maamulka Barcelona & Luis Suarez Oo Sabab U Ah.

0
72

 

Lionel Messi ayaa sheegay in uuna la yaabin waxa ay Kooxda Barcelona samayso isaga oo kabtanku ku adkaysanaya in ay kooxdu caydhisay Luis Suarez.

Arbacadii ayay Atletico Madrid ku dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga 33 jirka ah kadib markii ay kala heshiisay kooxda Barcelona.

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa Barcelona u ciyaaray 283 kulan isaga oo dhaliyay 198 kulan kadib makrii uu kooxda ku soo biiray xagagii 2014.

“Waxa ay noqon doontaa wax la yaab leh in aan kugu arko adiga oo xidhan maaliyad kale iskaba ilow in aan kaa hor yimaado”ayuu Messi fariin ugu diray Suarez bartiisa Instagram.

“Waxa aad u qalantay macasalaamayn waxa aad tahay: mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee taariikhda kooxda, adiga oo gaadhay waxyaabo muhiim ah mid shaqsi ah iyo mid kooxda ah”.

“Laakiin umaad qalmin in kooxda lagaa caydhiyo sida ay sameeyeen, laakiin runta ayaa ah in ayna arintaas haatan iga yaabin, waxa aan ku rajaynayaa nasiib fiican tartankaaga cusub, waan ku jecelahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here