Lionel Messi Oo Sii Dheeraystay Rikoodh cajiib Ah Oo Uu Ku Leeyahay Champions League.

0
70

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sii dheeraystay rikoodh cajiib ah oo uu ku lahaa tartanka Champions League kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Ferencváros.

Lionel Messi ayaa goolasha furay kulankii ay kooxdiisu guusha weyn ka gaadhay kooxda Ferencváros kadib markii uu rikoodhe ka dhaliyay  kooxda yar.

Lionel Messi ayaa haatan gool ka dhaliyay 36 kooxood oo kala duwan oo tartanka champions League ah kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Ferencváros.

Lionel Messi ayaa ka hor tagay 41 kooxood champions Leageu isaga oo kaliya ku fashilmay in uu gool ka dhaliyo kooxaha Rubin Kazan, Atlético Madrid, Benfica, Udinese & Inter Milan.

Xiddiga ayaa ka horeeya xiddigaha Cristiano Ronaldo & Raul González kuwaas oo dhaliyay 33 gool halka xiddigaha Karim Benzema & Zlatan Ibrahimovic dhaliyeen 29 gool.

Goolkii uu ka dhaliyay kooxda Ferencváros Lionel Messi ayaa sidoo kale gool ka dhaliyay kooxo ka dhisan 16 dal oo yurub ah.

Halkan Hoose Kaga Bogo 36 kooxood ee uu goolka ka dhaliyay Lionel Messi champions League:

APOEL, Ajax, Basel, BATE Borisov, Bayern, Werder Bremen, Borussia Dortmund, Chelsea, Dinamo Kyiv, Juventus, Copenhagen, Leverkusen, Liverpool, Lyon, Manchester City, Manchester United, Mönchengladbach, Olympiacos, Napoli, Panathinaikos, PSG, Viktoria Plzen, PSV Eindhoven, Glasgow Rangers, Real Madrid, Roma, Shakhtar, Spartak Moscow, Slavia Prague, Sporting Lisbon, Stuttgart, Tottenham, Ferencváros.

Source: somalifotball

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here