Lionel Messi Oo La Xaqiijiyay In Uu Ogolaaday In Uu Ku Biiro Man City.

0
70

 

Manchester City ayaa awood u yeelan doonta inay la soo saxiixato Lionel Messi xagaaga 2021 haddii ay fursaddu soo baxdo sida uu sheegay madaxa hawlgallada kooxda ee Omar Berrada.

Man City ayaa ugu cad-cadayd saxiixa xiddiga kadib markii uu Messi maamulka kooxdiisa u sheegay in doonayo in uu isaga tago kooxda suuqii xagaaga.

Pep Guardiola ayaa xidhiidh xoogan la leh Messi marka loo eego in ay horay uga soo wada shaqeeyeen kooxda Barcelona.

Berrada oo la hadlaya wargayska Manchester Evening News ayaa sheegay in uu Messi horay u ogolaaday in uu mustaqballa ku biro kooxda Man City hadii ay fursad u soo baxdo.

“Waa xiddiga ugu fiican adduunka, waa xiddiga ugu fiican jiilkiisa, waxa u malaynayaa in ay koox walba jeclaan lahayd in ay hesho xiddiga”.

“Xaqiiqada ah in uu doonayo in uu u ciyaaro kooxda Man City ayaa muujinaysa halka ay kooxdu joogto maanta marka loo eego sanadihii la soo dhaafay”.

“Way adagtahay in la saadaaliyo waxa dhici kara mustaqbalka laakiin waxa aan sugi doonaa waxa dhaca xagaaga dambe”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here