Lionel Messi Oo Doortay Shaxdiisa Cajiibka Ah Ee Ka Kooban 5-ta Xiddig.

0
97

 

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa soo doortay shaxdiisa 5-ta ah ee riyada isaga oo ka reebay Cristiano Ronaldo iyo waliba isaga laftiisa.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa qirtay in isaga iyo xiddiga Juventus yihiin kuwa ugu fiican adduunka laakiin sheegay in uuna boos u helin isaga iyo Cristiano Ronaldo Markii uu dooranayay shaxdiisa 5-ta xiddig ah.

Laakiin Messi ayaa doortay xiddigaha kooxda PSG ee Neymar iyo Mbappe iyo xiddiga Luis Suarez ee u ciyaara Atletico Madrid.

Sidoo kale Messi ayaa shaxdiisa 5-ta xiddig ah ku daray xiddiga ay isku xulka yihiin ee Sergio Aguero halka uu ugu dambayn doortay xiddiga kooxda Real Madrid ee Eden Hazard.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here