Lional Messi Oo kahadlay Bixitankii Luis Suares ,Misna weerar Kuqaday Kooxda Barcelona

0
120

Messi oo markii uu dhamaaday xili ciyaareedku shaaciyey inuu ka tegayo Barcelona oo uu heshiiskiisu u fasaxayo, waxa uu mar dambe go’aansaday inuu sii joogo sannadka uga hadhay qandaraaskiisa si aanay maxkamad iskula gelin naadiga uu waqtigiisa oo dhan usoo huray oo iyaguna ka diiday bixitaanka, taas oo keentay in muran sharci yimaaddo.

33 jirka reer Argentina ayaa waxa uu shalay sii macalaameeyey saaxiibkiisii ugu dhowaa ee uu ku lahaa qolka lebbiska oo ay Barcelona kansashay qandaraaskiisii sannadku ka hadhsanaa, isla markaana ay hal mar ka wada bixi lahaayeen Kamp Nou, waxaanu hoosta ka xariiqay in si xun ay kooxdu ula dhaqantay oo aan waxba loola hadhin.

Farriin uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Instagram ayaa waxa uu kabtanka Barcelona ku sheegay sida ay xaaladda kooxdu u adag tahay, isagana ay ugu noqon doonto sannad aan sahlanayn maadaama uu garabkiisa ka baxay Suarez oo ay kooxdu ku qasabtay inuu shandaddiisa qaato.

Qoraalka uu Bartiisa Instagram ku daabacay, waxa uu Lionel Messi ku yidhi: “Mar hore ayaan bilaabay inaan qiyaaso laakiin maanta waxa aan tegay qolka lebbiska, dhab ahaantiina qalbi jab ayaan ka qaaday. Aad ayay u adkaan doontaa inaynaan sii wadin wadaagista maalin kasta garoonka dhexdiisa iyo bannaankiisaba. In badan ayaynu is tebi doonaa. Sannado badan ayaynu wada joognay, qadooyin badan iyo cashooyin badan. Sidaa darteed, waxyaabo badan ayaan waligood la illoobi doonin, dhamaan waqtigii aynu wada qaadanay.

“Layaab ayay igu noqon doontaa inaan arko adigoo shaadh kale xidhan, waxaanay kasii darnaan doontaa marka aynu garoonka iskaga hor nimaadno. Waad u qalantaa in lagu siiyo sagootinta aad mudan tahay: Waxaad tahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsanaa taariikhda kooxda. Waxaad tahay qof ku guuleystay waxyaabo wanaagsan oo kooxeed iyo mid shaqsi ba.”

Lionel Messi waxa uu intaa kaddib weerar culus ku qaaday Barcelona, waxaanu yidhi: “Umaad qalmayn inay sidan oo kale kuu tuuraan. Laakiin runtu waxay tahay in heerkan oo kale aanay waxba layaab igu ahayn.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here