Lampard Oo Xaqiijisay Wakhtiga Lagu Dhawaaqi Doono Saxiixa 7-aad Ee Kooxdiisa.

0
79

 

Tababaraha Kooxda chelsea ee Frank Lampard ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu ku dhawdahay in ay ku dhawaaqdo saxiixa Goolhahaha Rennes ee Edouard Mendy.

Chelsea ayaa si weyn uga dhibaatoonaysa dhanka Goolka tan ilaa xilli ciyaareedkii hore taas oo keentay in ay Blues suuqa u gasho Goolhaye ay ku badasho Kepa.

Saxiixyada ay chelsea ilaa samaysay xagaagan ayaanu ka mid ahayn Goolhaye laakiin Blues ayaa ku dhaw saxiixa Goolhaye aad loo qiimeeyo.

Chelsea ayaa kooxda Rennes kala heshiisay saxiixa Goolhayaha reer Senegal ee Edouard Mendy kaas oo haatan la sugayo in lagu dhawaaqo.

kadib kulankii Barnsley Lampard ayaa wax laga waydiiyay Goolhaye Edouard Mendy waxana uu yidhi”Waxan u malaynayaa in uu ku baasay tijaabada caafimaadka, waxa aan doonayaa in aan taxadar ka lahaado arinta”.

“Ma doonayo in aan si Rasmi ah u xaqiijiyo laakiin waxa laga yabaa in lagu dhawaaqo saxiixiisa 24-ka saac ee soo socda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here