Lambarkee Ayuu Alvaro Morata U Xeranayaa Kooxdiisa Cusub Ee Juventus ?

0
83

 

Alvaro Morata ayaa dib ugu laabtay kooxdiisa hore Juventus oo uu u ciyaaray inta dhaxeysay sanadihii 2014-ka iyo 2016, waxa uuna haatan ugu joogayaa qaab amaah ah.
Juve oo si weyn loola xariirinayay in midkood ay keeni doonaan Suarez iyo Dzeko ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday in ay ku guuleysteen saxiixa xiddigoodii hore ee Morata.

Juventus waxa ay haatan shaaca ka qaadeen lambarka Morata uu xilli ciyaareedkaan uu u xeranayo kooxdaas kaasi oo ah lambarka 9-aad

Morata ayaa ka dib markii uu dhameystiray u soo wareegitaanka Juve waxa uu farriin u diray taageerayaasha kooxdaas isaga oo yiri ” soo dhawaada , waa ii farxad in aan mar kale halkaan ku soo laabto , hanoolaato Juventus”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here