Lambarka Uu Thomas Partey U Xidhan Doono Arsenal Oo la Xaqiijiyay.

0
48

 

Arsenal ayaa ugu dambeyn la soo wareegtay Thomas Partey laakiin waxaa laga yaabaa inuu ka niyad jabo inuusan helin lambarka uu u jecel yahay maaliyada.

Xiddiga reer Ghana ayaa ku soo biiray Gunners kadib 3 bilood iyo badh ay baacsanayeen kadib markii ay bixiyeen lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa.

Atletico Madrid ayaa ku adkaystay in ayna jirin wado kale oo uu Partey uga tagi karo ilaa la bixiyo lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Xiddiga ayaa saacadihii dambe ee suuqa kala iibsiga shalay kooxda Atletico u sheegay in uu donayo in uu ku biiro kooxa Arsenal taas oo Arsenal u fudaydaysay saxixa xiddiga.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu todobaadkii mushahar ahaan ugu qaadan doono kooxda 220 Kun Gini.

Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Ghana qaadan doono Lambarka No.18 marka loo eego in uu lambarka uu jecelyahay uu qaatay Sokratis.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here