Lambarka Uu Thiago Alcantara U Xidhan Doono Liverpool Oo Haatanba La Ogaaday.

0
68

 

Kooxda Liverpool ayaa Ugu dambayn Bayern Munich kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara kaas oo noqon doona saxiixii 2-aad ee Kooxda suuqa xagaagan.

Saxafiyada aadka ugu dhaw kooxda Liverpool ee Melissa Reddy ayaa shaaca ka qaaday faah-faahinada lagu heshiiyay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Reddy ayaa bogeeda Twitter-ka ku soo qortay in ay Bayern iyo Liverpool ugu dambayn heshiis Rasmi ah ka gaadheen saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Thiago oo horay heshiiska shaqsiga ah ula gaadhay Liverpool ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda Liverpool.

Warka ayaa intaas ku daraya in uu xiddiga 29 jirka ah kooxda Liverpool u xidhan doono Lambarka No.6 oo haatan banaan kadib markii uu Dejan Lovren ka tagay kooxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here