Lama Filaan: Barcelona Oo Khatar Ugu Jirta In Ay So Xor Ah Ku Waydo Dhamaan Xiddigeheeda.

0
112

 

Wargayska MARCA ayaa shaaca ka qaaday lama filaan ku saabsan kooxda Barcelona taas dhibaato ku noqon doonta Barcelona wakhtiga soo socda.

Wargayska ayaa sheegay Barcelona waayi karto xiddig kasta oo kooxda Barcelona ah hadii ay isku daydo in ay hoos u dhigto mushaharkooda.

Barcelona ayaa ka fiirsanaysa in ay hoos u dhigto mushaharka xiddigaha sabab la xidhiidha saamaynta dhaqaale ee uu xanuunka Korona ku yeeshay kooxda.

Laakiin Wargayska ayaa sheegay in ay Barcelona wajihi doonto dhibaato weyn hadii ay samayso arintaas maadama ay waayi karto xiddig kasta oo kooxda ah.

Wargayska ayaa sheegaya in uu xiddig kasta oo kooxda Barcelona ah kansali karo heshiiska uu kula jiro kooxda waliba si xor ah ugu biiri koox kasta oo uu doonayo hadii ay Barcelona hoos u dhigto mushaharkooda maadama uu jiro shardi u ogolaanaya xiddigaha arintaas.

Sabab la xidhiidha in ay xiddigaha kubada cagtu ka diwaan gashanyihiin xeerka boqortooyada Spain waxa ay mushaharkooda ka heli karaan dawlada Spain hadii ay isaga tagaan kooxda Barcelona.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here