Lacagaha Ay Kooxaha Premier League Suuqa Xagaaga Galiyeen Oo La Ogaaday.

0
52

 

Kooxaha Premier League ayaa soo qaatay sidii caadada ahayd suuq mashquul ah iyga oo sameeyay saxiixyo badan intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga ee sanadka 2020.

Kooxaha Premier League ee 20-ka ah ayaa sameeyay 105 saxiix oo toos ah oo ayna ku jirin heshiisyada Amaahda ah iyaga oo suuqa galiyay lacag dhan £1.24bn

Lacagta ay kooxaha premier League galiyeen suuqa xagaagan ayaa 160 milyan ka hooseeya lacagta ay xagaagii hore galiyeen suuqa kulana soo saxiixdeen xiddigaha waana arin iska caadi ah marka la eego xaalada dhaqaaale ee adduunku ku jira wakhti xaadirkan.

Kooxda Chelsea ayaa ah kooxda lacagta ugu badan suuqa galisay iyaga oo xiddigo cusub kula soo saxiixday lacag dhan £226.1m iyaga oo suuqa galiyay lacag ka badan kooxaha Burnley, Brighton, West Ham, Crystal Palace, Fulham, West Brom, Southampton, Newcastle & Leicester City oo la isku daray.

Dhanka kale Man City ayaa ah kooxda 2-aad ee lacag ugu badan suuqa galisay suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo suuqa galiyay lacag dhan £147m iyaga oo inta badan kula soo wareegay daafacyo.

Waxa kaalinta 3-aad ku jirta kooxda Aston Villa kuwaas oo suuqa galiyay lacag dhan 85 milyan oo euro halka kooxda u soo dalacday horyaalka premier League ee Leeds suuqa galisay lacag dhan 84 milyan oo euro.

Hadaba Sawirkan hoose kaga bogo Lacagta ay suuqa galiyeen koox kasta oo ka mid ah 20-ka kooxood ee premier League.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here