LABA Koox Oo Si Joogto Ah Ula Xidhiidha Kylian Mbappe Oo La Ogaaday.

0
44

 

Kooxaha Liverpool & Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay si joogto ah ula xidhiidhaan xiddiga garabka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa ku dagaallami doona saxiixa Kylian Mbappe Marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga sida uu sheegayo wargayska l’Equipe.

Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay PSG inuu doonayo inuu baxo dhamaadka xagaaga dambe waxana lala xidhiidhinayaa kooxaha Real Madrid Iyo Liverpool.

Kylian Mbappe ayaa ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican kubada cagta wakhti xaadirkan waxana la saadaalinayaa in uu noqon doono xiddiga Messi iyo Ronaldo ka badali doona xiddiga ugu fiican adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here