La Ogaaday: Man United Oo Iska Diiday Saxiixa Thiago Alcantara 7 Sano Karo, Sababta & Xiddigii Ay Badalkiisa U Dhaqaaqday.

0
49

 

Xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantra ayaa saacado kadib noqon doona saxiixii 2-aad ee kooxda Liverpool ee Suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin arinta ayaa ka duwanaan lahayd 7 sano ka hor iyada oo uu xiddigu xidhnaan lahaa maaliyada casaanka ah ee Red Devils hadii uuna David Moyes oo wakhtigaas tababare u ahaa Man United iska diidin saxiixa xiddiga.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawayd saxiixa xiddiga Thiago Alcantra sanadkii 2013 laakiin tababarihii Man United ee wakhtigaas oo ahaa David Moyes ayaa iska diiday si uu badalkiisa ugu dhaqaaqo Marouane Fellaini.

Moyes ayaa Man United tababare u noqday kadib markii uu Sir Alex Fergusen ka fadhiistay ciyaaraha 26 sano oo uu kooxda hogaaminayay.

Wargayska ESPN ayaa sheegaya in uu Ferguson maamulka kooxda Amray in ay dhamaystiraan saxiixa Thiago ka hor intii uuna ka fadhiisan ciyaaraha isaga oo wakhtigaas u ciyaaryay Barcelona laakiin Moyes ayaa ka baxay heshiiska sabab la xidhiidha in uuna wax aqoon ah u lahayn xiddiga waxana uu badalkiisa la soo saxiixday xiddiga Marouane Fellaini Oo uu ku garanayay Everton.

Kadib Thiago ayaa u dhaqaaqay kooxda Bayern Munich isaga oo kooxda kula guulaystay 7 Bundesliga iyo champions League uu todobaadyo ka hor kula guulaystay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here