La Ogaaday: Man United Oo Iska Diiday Saxiixa Kai Havertz Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Chelsea & Sababta Oo La Ogaaday.

0
22

Wararka ka imanay England ayaa sheegaya in ay kooxda Man United iska diiday saxiixa xiddiga cusub ee Kai Havertz ka hor intii uuna ku biirin kooxda Chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa todobaadkan ku dhawaaqday saxiixa Kai Havertz kaas oo ay 80 milyan oo euro kala soo wareegtay kooxda Bayer Leverkusen.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man United iska diiday saxiixa xiddiga reer Germany ka hor intii uuna ku biirin kooxda Chelsea.

Isla wargayska ayaa sheegaya in sabata ay United isaga diiday Havertz tahay in ay doonaysay saxiixa xiddiga Jadon Sancho kaas oo ah bartilmaameedka 1-aad ee kooxda.

Kooxda Man United ayaa Havertz u doonaysay kaliya badalka Sancho laakiin aan u doonayn in ay kooxda ku xoojiso xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here