La Ogaaday: Chelsea Oo Isku Dayday In Ay Saacadihii Ugu Dambeeyay Arsenal Ku Garaacdo Saxiixa Thomas Partey & Sababta Ay Ugu Fashilantay Oo La Ogaaday.

0
55
Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay saacadihii ugu dambeeyay ee suuqa xagaaga isku dayday in ay Arsenal ku garaacdo saxiixa Thomas Partey sida ay sheegayaan wararku.

Laakiin Chelsea ayaa ku fashilantay isku daygaas kadib markii ay iska iibin kari wayday xiddigaha kooxdeeda qaar ka mid ah.

Arsenal ayaa wakhti dambe oo Isniintii ahayd ku dhawaaqday saxiixa Thomas Partey iyaga oo Kula soo saxiixday lacag dhan 45 milyan oo euro.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay chelsea qorshaynaysay in ay saacadaha ugu dambeeya Arsenal ku garaacdo saxiixa Thomas Partey.

Laakiin Blus ayaa mar hore doonaysay in ay iska dirto xiddigo badan oo kooxda ah ka hor inta ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga reer Ghana.

Inkasta oo ay Blues amaah ku fasaxday xiddigaha Tiemoue Bakayoko & Ruben Loftus-Cheek laakiin Blues ayaa iska diri kari wayday xiddigaha Marcos Alonso, Emerson Palmieri, Antonio Rudiger, Fikayo Tomori & Danny Drinkwater taas oo Chelsea ka hor istaagtay Saxiixa Thomas Partey.

Source: somalifootball.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here