Kulamada Uu Sadio Mane Seegi Doono Oo La Ogaaday Kadib Markii Laga Helay Xanuunka Korona.

0
69

 

Xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa seegi doona kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Aston Villa Axada kadib markii laga helay xanuunka Korona.

Weeraryahanka Reds ayaa ah xiddigii 2-aad ee muddo 7-aad ah laga helay xanuunka Korona ee Liverpool u ciyaara kadib markii Thiago Alcantara laga helay.

Maqnaanshaha Mane ayaa dhirbaaxo ku noqon doona kooxda Klopp marka loo eego in uu xiddiga reer Senegal si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedkan.

Sadio Mane ayaa muddo 10 maalin ah karantiil ku jiri doona maadama arintaas looga baahanyahay xiddig kasta oo laga helo xanuunka Korona.

Taas ayaa noqon doonta in uu Mane ka bixi doono kulamada xulka qarannkiisa Senegal ee fasaxa xulalka la ciyaari doona xulalka Morocco & Mauritania.

Liverpool ayaa si kasta ha ahaatee ku rajo weyn in uu sadio Mane si buuxda u soo kabsado kadib fasaxa xulalka si uu u ciyaaro kulanka Everton ee 17 bisha October.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here