Kooxda Chalsea Oo Guuldaro Kabadbaaday Xili Dambe

0
67

Tammy Abraham ayaa guuldarro ka badbaadiyay Chelsea kulankii ay booqdeen West Bromwich Albion, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 3-3 ah, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca saddexaad horyaalka Premier League, kal ciyaareedkan cusub ee 2020/21.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 ay ku hoggaamineysay ciyaarta kooxda martida loo ahaa ee West Bromwich Albion.

Daqiiqadii 4-aad ee dheesha kooxda West Bromwich Albion ayaa la wareegtay hoggaaminta ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay ciyaaryahankooda Callum Robinson, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Matheus Pereira.

25 daqiiqo marka ay ciyaarta aheyd Callum Robinson ayaa ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda West Bromwich Albion.

Laakiin sheeko waxay is badeshay kaddib markii ay hoggaanka ciyaarta dheereeysatay kooxda West Bromwich Albion, waxaana 3-0 ka dhigay Kyle Bartley, xilli uu caawinta goolkan lahaa Darnell Furlong.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad Chelsea ayaa la timid gool waxaana 3-1 ka dhigay ciyaarta Mason Mount, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Cesar Azpilicueta.

70 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Chelsea ayaa dhalisay goolkeedii labaad ee ciyaarta, waxaana 3-2 ka dhigay Callum Hudson-Odoi, xilli uu caawinta goolkan lahaa Kai Havertz.

Daqiiqadii 90-aad Chelsea ayaa dhalisay goolka barbardhaca, waxaana 3-3 dheesha ka dhigay Tammy Abraham.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-3 ay ku kala baxeen labada kooxood West Bromwich Albion iyo Chelsea. ciyaar qeyb ahayd kulamada isbuuca saddexaad ee horyaalka Ingriiska xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here