Kooxaha Man United & Liverpool Oo Dajiyay Qorshe Lagu Dhimayo Kooxaha Premier League, Qaab Noocee Ah?

0
32

 

Labada koox ee ugu guulaha badan kubada cagta Ingariiska, Manchester United iyo Liverpool, ayaa wada qorshayaal ay dib ugu habeyn ku sameynayaan Premier League isku shaandheyn taas oo wax weyn ka bedeli doonta horyaalka.

Warbixin cusub oo ka soo baxday wargeyska Daily Telegraph ayaa daaha ka qaaday in Liverpool ay qortay qorshayaal dhowr ah oo cinwaan looga dhigay ‘Project Big Picture’ kaas oo dib u qaabayn ku samayn doona kubbada cagta Ingiriiska, iyada oo United haatanba ay taageero siisay isbadalada la qorsheeyay.

Marka loo eego in ay yihiin kooxaha lacagta ugu badan bixiya lacagtaas oo ku kacaysa 250 milyan oo euro labada kooxood ayaa doonaya in is badal lagu sameeyo xeerar badan.

Qorshaha ugu weyn ee ay damacsanyihiin labada kooxood ayaa ah in ay doonayaan in horyaalka premier League laga dhigo 18 koox xilli ciyaareedka 2 kooxna laga saaro.

Wali waxa jiri doona kooxaha u soo dalacaya premier League kana imanaya Championship-ka laakiin kooxaha 3,4, iyo 5-aad ku dhamaysta ayaa kaliya ciyaari doona kulamo kala bax ah iyada oo kooxda kaalinta 16-aad kaga dhamaysata premier League ay ciyaari doonto kulan kala bax ah sida horyaalka Germany.

Kooxaha Man United, Liverpool, Man City, Arsenal, Tottenham iyo Chelsea ayaa ka wal-walsan kulamada badan ee ay ciyaaraan xilli ciyaareedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here