Kooxaha Liverpool Iyo Man United Oo Ku Tartamaya Saxiixa Daafaca Reer france?

0
57

21 jirkaan daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig iyo xulka qaranka France ayaa waxaa doonaya qaar ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ee Liverpool iyo kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United ayaa waji ka waji u geli doona saxiixa daafaca dambeedka dhexe ee RB Leipzig Dayot Upamecano, sida laga soo xigtay Bild.

Upamecano ayaa lala xiriirinayay kooxo ay ka mid yihiin Liverpool, United, Real Madrid, Paris Saint-Germain, Barcelona, ​​Arsenal iyo Bayern Munich ka hor inta uusan dib ula saxiixin kooxda ka ciyaarta Bundesliga ee Leipzig bishii July.

Sikastaba, Liverpool iyo United ayaa lafilayaa inay soo laabtaan dhamaadka xiliciyaareed kaan iyagoo doonaya inay xoojiyaan daafacooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here