Kooxaha Leeds United iyo Manchester City oo barbardhac ku kala baxay

0
57

Kooxaha Leeds United iyo Manchester City oo barbardhac ku kala baxay, kaddib markii ay ku kala baxeen 1-1, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay kooxda martida aheyd ee Manchester City.

Daqiiqadii 17-aad kooxda Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay Raheem Sterling, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Ferran Torres.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 58-aad kooxda Leeds United ayaa heshay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Rodrigo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbardhac 1-1 ay isku mari waayeen labada kooxood Leeds United iyo Manchester City, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca afaraad ee horyaalka  Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here