Khabib Nurmagomedov Mise Justin Gaethje? Cristiano Ronaldo Oo Saadaaliyay Kulanka Feed-Feedka Ah Ee Sida Weyn Loo Sugayo Ee UFC 254

0
69

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa taageeraya Khabib Nurmagomedov si uu uga adkaado Justin Gaethje kulanka aadka loo wada sugayo ee UFC 254.

Loolanka loogu jiro suunka “The lightweight” ayaa soo jiitay indhaha adduunka oo dhan iyada oo uu xiddiga Juventus ka mid yahay dadka sugaya kulanka feedh-feedhka ah ee dhici doona habeenimada sabtida.

Isaga oo ku guda jiro su’aalo iyo jawaabo Instagram ayuu Ronaldo yidhi”Dabcan, dabcan Khabib ayaa badin doona walaalkay. Inshallah. Siuuuuu”.

Feedhyahanka muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov iyo Cristiano Ronaldo ayaa is qadariya tan ilaa markii ay kulmeen bishii February 2018.

Source: somalifotball

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here